Tuesday, August 5, 2008

Yacquub iyo Qoyskiisa

Yacquub iyo Qoyskiisa waxay u kacen Masar:
oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen. Oo walaalihiisna wuxuu
ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon. Markaasaa Fircoon
wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay
waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu
nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba. Oo waxay Fircoon ku
yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid,
waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaan nu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeenDalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo
hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey. Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay. Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen. Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey.

Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray. Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd,
sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag dar-
naadeen. Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo
tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen;
Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. Oo markii lacagtii ka
wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii,
waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa. Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii- oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay. Markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane. De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannaan dhiman, dhulkayaguna uusan baabi'in.

Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaayeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.

No comments: