Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray. Dhulkuna qaab ma
lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa
Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha. Ilaahna
wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. Ilaahna
wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii
ayuu ka soocay gudcurkii. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin,
gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax,
isla maalin ah. Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto
biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.
Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu
biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka
sarreeyey; sidaasayna ahaatay. Ilaahna bannaankii wuxuu u
bixiyey Samo.
Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad. Ilaahna wuxuu
yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen,
oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay. Markaasuu
Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u
bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.
Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar
oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala,
oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna
ahaatay. Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh
iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo
iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna
wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Waxaana jira- fiid iyo subax,
maalintii saddexaad.
Wuxuu yidhi, Iftiimo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada
dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u
ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado; oo
iftiimo ha u noqdeen
meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan
dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay. Oo Ilaah wuxuu sameeyey
labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta,
iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey.
Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex
ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan. oo ay u xukumaan maalinta iyo
habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay
in taasu wanaagsan tahay. Oo waxaana jiray fiid iyo
subax, maalintii afraad.
Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa
oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga
meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd. Oo Ilaah wuxuu abuuray
nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa,
ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala,
iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu
wanaagsan tahay.
Ilaah baa barakadeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo
tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen
dhulka. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.
Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa
dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga
dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay. Ilaahna wuxuu
sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda
dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala;
Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Ilaahna wuxuu yidhi,
Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen
kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo
dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan. Oo Ilaah nin buu ka
abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo
dhaddig ayuu abuuray.
Friday, September 26, 2008
Subscribe to:
Comments (Atom)