Friday, September 26, 2008

Abuurida Ilaah

Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray. Dhulkuna qaab ma
lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa
Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha. Ilaahna

wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. Ilaahna
wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii
ayuu ka soocay gudcurkii. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin,
gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax,
isla maalin ah. Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto
biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.
Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu
biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka
sarreeyey; sidaasayna ahaatay. Ilaahna bannaankii wuxuu u
bixiyey Samo.

Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad. Ilaahna wuxuu
yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen,
oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay. Markaasuu
Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u

bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.
Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar
oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala,
oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna
ahaatay. Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh
iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo
iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna
wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Waxaana jira- fiid iyo subax,
maalintii saddexaad.


Wuxuu yidhi, Iftiimo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada
dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u

ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado; oo
iftiimo ha u noqdeen
meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan

dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay. Oo Ilaah wuxuu sameeyey
labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta,
iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey.
Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex
ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan. oo ay u xukumaan maalinta iyo
habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay
in taasu wanaagsan tahay. Oo waxaana jiray fiid iyo
subax, maalintii afraad.

Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa
oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga
meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd. Oo Ilaah wuxuu abuuray
nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa,

ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala,
iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu
wanaagsan tahay.
Ilaah baa barakadeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo
tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen

dhulka. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.
Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa
dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga

dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay. Ilaahna wuxuu
sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda
dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala;
Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Ilaahna wuxuu yidhi,
Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen
kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo
dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan. Oo Ilaah nin buu ka
abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo
dhaddig ayuu abuuray.






Tuesday, August 5, 2008

Yacquub iyo Qoyskiisa

Yacquub iyo Qoyskiisa waxay u kacen Masar:
oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen. Oo walaalihiisna wuxuu
ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon. Markaasaa Fircoon
wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay
waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu
nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba. Oo waxay Fircoon ku
yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid,
waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaan nu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeenDalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo
hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey. Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay. Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen. Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey.

Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray. Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd,
sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag dar-
naadeen. Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo
tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen;
Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. Oo markii lacagtii ka
wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii,
waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa. Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii- oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay. Markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane. De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannaan dhiman, dhulkayaguna uusan baabi'in.

Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaayeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.